Notice: Use of undefined constant magic_quotes_active - assumed 'magic_quotes_active' in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0

Deprecated: Function mysql_numrows() is deprecated in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0
Juquraafiga dhulka iyo Taariikhdiisa
acan oo wanaagsan waxaa mahad is ka leh alleh Sidaan wada ognahayba Somaliya marka loo eego wadamada kale ee ku yaal qaarada Africa wuxuu ka mid yahay wadamada dhexe ee aan aad iyo aadka u wawayanay xiligan hada la joogo maxayeelay wadanka kala badh kiis wuxuu raacsan yahay wadamal deriska la ah sida Kenya iyo Ethopia lakiin sidaa uu yahay baan hadan ku yarayn oo ka wayn yahay wadomo badan oo ku yaal qarada maanta waxaad halak ku arkaysaa wax yaabo badan oo aadan is lahayn waa ku yaaleen somaliya waa Taariikh si fiican looga soo shaqeeyey waxana ka soo qatay websit ka layirahado shaable

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2,waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.
dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km.
Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof.
60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo 5% oo ah dad Kaluumayato ah.
khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (
Soo-Maal),iyadoo eragaSoomacnihiisa loola jeedoSoco,halka ereygaMaaluu macnihiisu ka soo jeedoLis.
Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa(Maal Saca).

Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah(Duu-maa)oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.
Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimidSamaalaoo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.
Samaalaayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed(Aw-Samaale).

Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sidaDhulkii udgoonaa,Dhulkii eebeiyoGeeska Africa.

Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.
Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee:

  • Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.

  • Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.

  • Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.

  • N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.

  • Iyo gobolada Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.

shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D.

Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo idarsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsadeen koonfurta lbadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed io gobolka Togdheer waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen sideed iyo toban gobol.

Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.

1.Gobolka Banaadir.

Shingaani Hodan Howlwdaag Shibis
Boondheere Yaaqshiid Kaaraan XamarJabjab
Xamarweyne Cabdicasiis Wadajir Waaberi
Wardhiigley Heli waa Dharkiinley Dayniile

Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga.
2.
Gobolka Shabelada Dhexe.

Jowhar Balcad Cadale
Aadanyabaal

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha
3.Gobolka Hiiraan.

Beledweyne Buuloburte Jalalaqsi
Matabaan

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.

4.Galguduud.

Dh/mareeb Caabudwaaq Ceelbuur
Ceeldheer Cadaado

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.


5.Gobolka Mudug

Gaalkacyo Hobyo Jariiban
Xarar dheere. Galdogob Burtinle

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Mudug dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.


6.Nugaal.

Garoowe Eyl Sinujiif
Boocane Rabaable

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

7.Gobolka Bari.

Boosaaso Qandala Iskushuban
Bandarbayla Caluula Qardho

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.

8.Sool.

Laascaanood Xudun Caynabo
Taleex

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

9.Sanaag.

Ceerigaabo Laasqoray Ceel afweyn
Baran Buraan

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga.

10.Togdheer.

Burco Owd weyne Sheekh
Buuhoodle

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.

11.Gobolka waqooyi galbeed.

Hargeyso Berbera Gabiley

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

12.Gobolka Awdal.

Baki Boorame Saylac

Lug haya.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

13.Gobolka Sh/hoose.

Marka Baraawe Qoryooley
Afgooye Wanlaweyn Kurtunwaarey
Sablaale.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

14.Gobolka Bay.

Baydhabo Buurhakaba Diinsoor
Ufurow Qansax dheere Bardaale.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

15.Gobolka Gedo.

Garbahaarey Luuq ganaane Doolow
Beled Xawo Ceelwaaq Baardheere.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.

16.Gobolka Bakool.

Xudur Waajid Yeed

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

17.Gobolka JubadaDhexe.

Bu'aale Dajuumo Baardheere
Saakow Jilib

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu'aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.

18.Gobolka Jubada Hoose.

Kismaayo Afmadow Badhaadhe

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo'da.

Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.

Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.

Xamar 247km Baydhabo Xamar 550km Dhuusomareeb
Xamar 111km Marka Xamar 1600km Hargeysa
Xamar 90km Jowhar Xamar 1220km Laascaanood
Xamar 335km Beledweyne Xamar 925km Garoowe
Xamar 485km Bu'aale Xamar 1505km Boosaaso
Xamar 500km Kismaayo Xamar 1800km Baki
Xamar 430km Xudur Xamar 1340km Burco
Xamar 505km Garbahaarey Xamar 1450km Ciiregaabo
Xamar 750km Gaalkacyo
Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya.
Muqdisho 30km Afgooye Afgooye 164 Buurhakaba
Buurhakaba 66km Baydhabo Baydhaba 150km Luuq
Baydhaba 155km Xudur Luuq 80km Doolow
Luuq 69km Garbahaarey Garbahaarey 129km Baardheere
Baardheere 195km Baydhaba Baardheere 260km Jilib
Jilib 114km Kismaayo Kismaayoq 139km Afmadow
Kismaayo 195km Dhoobley Muqdisho 113km Marka
Marka 193km Baraawe Baraawe 168km Jilib
Muqdisho 95km Jowhar Jowhar 121km Buuloburte
Buuloburte 116km Beledweyne Beledweyne 45km Feerfeer
Jowhar