Bogga Hore | Faallooyin | Diinta | Keydka | Arrimaha Bulshda | Caafimaadka | Taariikhda | Radio Daldeeq | Video Updates | Nala xiriir |
Bogga Hore | Faallooyin | Diinta | Keydka | Arrimaha Bulshda | Caafimaadka | Taariikhda | Radio Daldeeq | Video Updates | Nala xiriir |
Notice: Use of undefined constant magic_quotes_active - assumed 'magic_quotes_active' in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0 Deprecated: Function mysql_numrows() is deprecated in /home/daldeeqc/public_html/assets/includes/functions.php on line 0 Kulan Dhaqaalo loogu aruuriyey dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Hobyo oo lagu qabtay Stockholm
Sunday March 22, 2015 - 16:15:55
Kulan si wen loosoo agaasimay loogana hadlayay dhismaha wadada iskuxirta Magaalooyinka,Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa laguqabtay Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden.Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada Galmudug ee Magaalada Stockholm Ayaa wax ka so qayb galay dhaman qaybaha kala duwan ee blushada ee ku abtirsada Galmudug.waxaa dadkii goobta ka haday ka mid ha Sh.Muxyidiin Xassan ayaanle oo ku dheeraaday ahmiyada Ay leedahay ka qayb qaadashada dhismaha wadada iyo in ay tahay sadaqa jaariya ah.wixii lagu bixiyo Dhismaha wadadaas.Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug MundaneCali salad oo ugu baaqay dhammaan reer galmudug in ay u istaagaan dhismaha wadada oo uu sheegay In ay muddo ku taamayeen haddana ay rumoowday.Kulanka oo ay ka hadleen dad badan ayaa wax ka mid ha dadkii ka hadlayAbdifatah Cisman Maxamed Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Galmudug.Abdifatah farah Gudoomiyaha Golha dhexe ururka dhalinyarada.Sh.Abdullahi Sh.SiciidSh.Maxamuud Abdi SabriyeAbwaanad Dhoofo qaliif SiyaadDrs .Aamina Siciid.Nasteexo Abdi CilmiFarxiyo Abdul (Farxiyo neero)Abdi Cilmi DagalMaxamed xogolof.Xassan Cumar AbdilleAbdirazak Sarcad iyo dadkale oo oo badan.Sidoo kale waxaa khadka Telefoonka uga qayb galay guddoomiyaha Gudigga dhaqaalahaprof. Abdulqadir Maxmed Shirwac oo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay u leedahay bulshada Dhismaha wadadaas oo uu ku sheegay dhererkeeda 260 km.Mashruuca lagu dhisaayo wadada ayaa waxaa loogu magac daray(ANA DHOOBADA ADNA DHAGAXA KII KA DHUUNTANA HADHOOW DHAXAL MALEH)Guud ahaan dadka ka hadlay kulanka ayaa wax ay ku dheeraadeen ahmiyadda ay wadadu u leedahaykobaca dhaqaale iyo hirumarka iyo sida loogu baahan yahay in shacbka reer galmudug ay Dhismaha wadada uga qayb qaataan muruq maal, iyo maskaxba.Ugu danbayntii ayaa waxaa Jaaliyadda stockholm ee goobta fadhisay ku yabooheenlacag dhan 1.182,000 (hal maliyan boqol sideetan iyo labo kun Lacagta Swedishka )lacagtaas ayaa qayb ka mid ah goobta lagu bixiyey inta kalana lagu balmay in lagu bixiyo muddo kooban. Sidoo kale waxaa jiri doona kulamo kale oo dhawaan la qaban doono oo loogu deeqi doonolacago mashruucaan,maadaama ay jiraan dad badan oo waqtigu u saamixi waayay in ay kasoo qayb galaankulanka 1aad.Sidoo kale waxay Jaaliyadda Stockholm ka codsatay dhammaan Jaaliyadadaha kale ee ku nool daafaha Caalamka in ay ka qayb qaataan dhismaha wadada gaalkacyo iyo hobyo.Kulanka ayaa waxaa uu ku soo idlaaday farxad iyo rayn rayn.\
|
|
||||